Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ammaanay heshiiska Yurub


Madaxweynaha Mareykanka ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay heshiis qaboojinta dagaalka ganacsiga ah ee uu la galay madaxweynaha guddiga Yurub Jean-Claude Juncker, hase yeeshee ma bixin wax faahfaahin ah.

Trump oo ka hadlayey kulan dadweyne oo ka dhacay gobolka Iowa ayaa u sheegay beeraleyda inuu u furay suuqa Yurub, oo uu ku sheegay mid aad u weyn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Yurub ay ogolaatay inay si dhaqso ah u iibsato dalagyada Mareykanka, sababtuna ay tahay in Shiinaha uu dhaawacay beeraleyda Mareykanka, markii ay canshuur dheeri ah saareen badeecadaha Mareykanka.

Shiinaha ayaa qaaday tallabada canshuurta, ayaga oo ka jawabaaya canshuur madaxweyne Trump uu saaray badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha.

XS
SM
MD
LG