Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaraha Toronto: Kooxda Hilaac oo qaaday koobka


Ka qeyb galayaasha Cayaaraha Toddobaadka Soomaalida ee Toronto

Waxaa Toronto xalay lagu soo gaba-gabeeyay cayaaraha toddobaadka Soomaalida oo sanad walba mar la qabto.

Sannadkan cayaaraha oo loogu magac-daray Faarax Weheliye Caddow Sindiko waxaa ka qeybgalay 15 kooxood oo ka kale yimid Waqooyiga America iyo Yurub.

Kooxda kubbada cagta ee Hilaac FC ee Toronto ka dhisani ayaa koobka tartanka sannadkan ku guuleysatay, kadib markii cayaartii final-ka ay 4-0 uga adkaatay kooxda Banaadir.

Cayaaraha toddobaadka Soomaalida ee Toronto waa tartanka ugu caansan ee Soomaalida qurbuhu ay sameeyaan, waxaana uu soo socday muddo ka badan 30 sannadood.

Faahfaahinta iyo warar dheeraad ah oo la xiriira tartanka cayaaraha Toddobaadka Soomaalida ee Toronto, goor danbe oo maanta ah ayaan idiin so gudbin doonaa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG