Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo isku dhiibay Koonfurta


Mucaaradka dalka Syria ayaa ogolaaday inay dowladda ku wareejiyaan deegaanada ku yaalla koonfurta galbeed ee dalkaas, ee ku dhow buuraha Israel ay haystao ee Golan Heights.

Heshiiskan ayaa dhigaya in ciidamada dowladda ay ku laabtaan deegaanadii ay haysteen ee gobolka al-Quneitra, ka hor inta dagaalka uusan ka qarxin dalkaas sanaddii 2011

Mucaarad kasta oo diida heshiiskan ayaa waxaa loo ogolaanayaa inay u guuraan deegaanada kale ee mucaaradka ay haystaan ee dalka Syria.

Ciidamada Syria oo ay taageerayaan kuwa Ruushka ayaa billaabay howlgal ay ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaanada koonfurta galbeed ee dalkaas, halkaasi oo ay ku xaniban yihiin 160,000 oo qof.

Buuraha Golan Heights ayaa Israel waxay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee dhacay 1967-kii. Goob milatariga ka caagan ayaa laga sameeyey labada dhinac ee xuduudda sanaddii 1974-kii.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG