Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Masar oo ansxiiyay xeerar cusub


A general view of a street in downtown Cairo, Egypt, March 9, 2017.
A general view of a street in downtown Cairo, Egypt, March 9, 2017.

Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah, oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 (afar boqol oo kun) oo dollar.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaato Masar.

Xeerkaan oo u baahan inuu saxiixo madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi ayaa qeylo-dhaan xoog leh ka dhaxdhaliyay gudaha baarlamaanka iyo sidoo kale baraha bulshada.

Haitham el-Hariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.

Sidoo kale baarlamaanka Masar ayaa shalay ansixiyay xeer diidaya in aanan wax maxkamad ah lasoo taagi karin saraakiisha sare ee millatariga dalkaasi gaar ahaan kuwi hagayay ciidamada qalalaasihi dalkaasi ka dhacay sannadki 2013-ki ee lagu afganbiyay madaxweynihi hore Mohamed Morsi.

Muddadaasi ayaa waxaa la dilay boqolaal ruux oo ka mudaaharaadayay afganbigi xakunka looga tuuray Mursi.

XS
SM
MD
LG