Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharif oo racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday


Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa racfaan ka qaatay xukunka 10-ka sano ee xabsiga ah ee lagu riday.

Gabadhiisa, islamarkaana ah beddelkiisa siyaasadda Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay ee Mohammed Safdar ayaa iyaguna racfaan ka qaatay xukunada lagu riday.

Racfaanka ayaa waxaa maanta laga diiwaan geliyey maxkamadda sare ee magaalada Islamabad.

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa xiray Sharif iyo Maryam kadib markii diyaarad kasoo qaaday dalka Britain ay soo cago dhigatay magaalada bari ee Lahore, jimcihii.

Xariga ayaa ka dambeeyey xukun dhowaan ay ku ridday maxkamadda ka hor-tagga musuq-maasuqa.

Sharif iyo gabadhiisa Maryma ayaa ayaga oo maqan waxaa lagu kala xukumay 10 iyo toddoba sano oo xabsi. Sharciyaqaanada ayaa sheegay in haddii aanay isa soo dhiibin aysan xaq u lahaan lahayn inay racfaan qaataaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG