Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Xabsi Guriga Ka Daayay Liu Xia


Liu Xia oo gaartay Jarmalka
Liu Xia oo gaartay Jarmalka

Liu Xia, oo ah haweeneydi uu ka geeriyooday Liu Xiaobo oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel kana mid ahaa mucaaradka dowlada, ayaa Talaadadi shalay gaartay dalka Jarmalka, kadib marki ay Dowlada Shiinaha ka deysay xabsi guri ay ku jirtay muddo sideed sano ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa wariyaasha u sheegay in Liu Xia ay ka tagtay Beijing si ay isugu daweyso Jarmalka.

Nin la dhashay Liu oo lagu magacaabo Liu Hui ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in walaashiis ay Yurub u aadday si ay u bilowdi nolol cusub.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa soo dhaweysay sii deynta ay Dowlada Shiinaha deysay Liu Xia. Waxay ugu baaqday xukummadda Beijing in ay xabsiyada ka deyso dhamaan maxaabiista dulman isla markaana ixtiraamdo xuquuqda aadanaha iyo dhamaan xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha.

Liu Xia ayaa xabasi guri adag la geliyay sannadki 2010 markaas oo uu seygeedii hore Liu Xiaobo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Sannadki hore ayuu u dhintay kansarka beerka ku dhaca, isaga oo ay da,diisu aheyd 61 jir.

XS
SM
MD
LG