Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiis laga sii daayey xabsiga Jigjiga


Jail Ogaden, Ethiopia

Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga soo daayey maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka waxay sheegayaan in dad badan oo ehelo ah ay maanta tageen xabsiga lagu magacaabo Jail Ogaden si ay u arkaan dad sannado badan xirnaa oo qaraabadooda ah.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore daabacday warbixin ay ku faahfaahinayso tacaddiyo ka dhaca jeelkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG