Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Culimada Islaamka oo ku shiraya Sacuudiga


Aqoonyahanada islaamka ee dunida ayaa maanta shir laba maalmood socon doona oo nabad loogu raadinayo dalka Afghanistan waxa uu uga furmay dalka Sacuudiga.

Hase yeeshee bayaan ay waxyar un ka hor furitaanka shirka soo saartay, ayay kooxda Taliban waxa ay ka qeybgalayaasha uga digtay in dagaalka kooxdaas ee ka dhanka ah Mareykanka ugu yeraan wax aan ahayn “Jihad”

Taliban waxa ay carabka ku dhejisay in dagaalka ka socda Afghanistan uusan ahayn mid u dhaxeeya dadka Afghanistan ama dad wada muslim ah, waxayna qabashadii Mareykanka ee dalkaas ee sanaddii 2001 ku eedeysay inuu dagaalka billaaabay.

Taliban ayaa ku boorisay mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo aqoonyahanada Islaamka inaysan la safan “Mareykanka qabsaday dalka Afghanistan ee ku lugta leh dagaalka u dhaxeeya muslimiinta iyo gaalada”.

Taliban ayaa qoraalka ku sheegtay inay gacanta ku hayso 70% dalka Afghanistan ayna sii wadi doonto dagaalka inta shareecada Islaamka laga hirgelinayo Afghanistan.

XS
SM
MD
LG