Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thailand: 6 Caruurtii Godka oo la soo Badbaadiyey


Thailand cave rescue

Saraakiisha dalka Thailand ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay laba ka mid ah 12 wiil iyo tababarahooda kubadda cakta oo labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku go,doonsanaa god weyn oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Labadani wiil ayaa hadda ku sugan xarun caafimaad oo macmal ah oo laga sameeyay bannaanka godka, waxaana halkaasi looga sii gudbi rabaa isbitaal weyn oo godka u jira qaddar saacad ah.

General Kongcheep oo ka mid ah u qeybsanayaasha howlgalka babbaadada dhalinyaradani ayaa sheegay in afar canug oo kale oo ka mid ah wiilasha ku go,doonsan godka ay goor dhaw imaan doonaan dibadda.

Howlaha gudmadka ah ayaa waxaa ka qeybgalaya 18 quusayaal oo 13 ka mid ah yihiin ajnabi. Quusayaashan ayaa u kala qaatay badbaadinta ilmaha in halki canugba ay soo badbaadiyaan laba quuse.

Saraakiisha waxay sheegeen in howlgalka badbaadinta wiilashani ay qaadan doonto laba ilaa afar maalmood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG