Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoggaamiyaasha Ethiopia iyo Eritrea oo Kulmay 


eritrea ethiopia dinner reception

Hoggaamiyaasha dalaka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay usoo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihi ugu qaraaraa ee soo mara Africa.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Ra’iuslwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna usii kaxeeyay qasriga madaxtooyada.

Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudah iyo dibadda ee dalkaasi.

Dhageyso Booqashada Abiy ee Eritrea
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:14 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG