Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo sheegtay inuu dhintay wiilka al-Baghdadi


ISIS flag
ISIS flag

Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa ku dhintay howlgal ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Homs ee galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Nashir News.

Ayada oo soo bandhigtay sawirka wiilka yar oo lagu magacaabo Hudhayfah al-Badri, ayaa warbaahinta waxa ay sheegtay inuu ku dhintay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa dowladda Syria ee jooga Homs.

"Hudhayfah al-Badri (Allaha aqbalee), wiilka khaliifka (Allaha xifdiyee), waxaa lagu dilay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa Syria ee jooga Wilaayada Homs” ayaa lagu yiri qoraalka al-Nashir.

VOA si madax banaan uma xaqiijin karto dhimashada Hudhayfah al-Badri.

Al-Baghdadi, oo ah Ciraqi magaciisa runta uu yahay Ibrahim Awad al-Badri ayaa kooxda Daacish ku aas-aasay magaalada Mosul bishii June ee sanadii 2014, isaga oo isku magacaabay khaliif.

Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu ahaa qofka loogu doonista badan yahay dunida, ayada oo madaxiisa la dul dhigay 25 milyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG