Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka dhashay biyo yaraan oo ka dhacay Iran


Warbaahinta dalka Iran ayaa ku warrantay in goor dambe oo axaddii ah ay isku dhaceen booliska iyo dadweyne ka banaanbaxayey biyo yari iyo hawada wasaqeysan ee koonfurta galbeed ee dalkaas.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in dibadbaxayaasha magaalada Abadan ay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku tuureen booliska, islamarkaana saraakiisha ay xaaladda caadi kusoo celiyeen.

Habeen horena, waxaa sidaa kale dhacay isku dhacyo kuwaas la mid ah, oo ka dhashay biyo la’aan ka taagan magaalada Khorramshahr, kuwaas oo dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

Muqaallo lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinayey dibadabaxaaysaha oo kala hortagaya ciidamada ammaanka dhagxaan ay tuurayeen iyo dhismooyin daaqadaha laga burburiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha Abdolreza Rahmani Fazli ayaa sheegay in cidna aysan ku dhiman isku dhacyadii Khorramshahr. Ku xigeenkiisa Hossein Zolfaghari, ayaa xaqiijiyey in 11 qof oo 10 ka mid ah ay yihiin boolis ay ku dhaawacmeen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG