Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo Spain ka reebtay koobka adduunka


APTOPIX Russia Soccer WCup Spain Russia
APTOPIX Russia Soccer WCup Spain Russia

Xulka martigelinayo Koobka Aduunka ee sanadkan 2018-ka ee Russia ayaa u gudbay wareega sideeda ee tartanka, kadib marki ay maanta rigoorayaal 4-3 ah uga badisay xulka Spain.

Goolhayaha Russia Igor Akinfeev ayaa noqday geesigii garoonka, kadib marki uu rigoore ka qabtay laba laacib oo ka mid ah ciyaartooyda Spain. Akinfeev ayaa badbaadiyay rigoorayaashi ay tuureen Koke iyo Iago Aspas.

Waxay aheyd ciyaarti ugu horreysay ee koobka aduunka sannadkaan oo la isla gaaro ilaa rigooreyaal si loo kala saaro labada xul, kadib marki 120 daqiiqo oo ay labada xul dheeleen ay isku mari waayeen barbarro 1-1 ah.

Goolka waxaa la hormay Spain daqiiqadii 12-aad, waxaana uu ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Sergei Ignashevich oo ah 38 difaaca uga ciyaara xulka Russia, hase yeeshee Ruushka ayaa ka daba tagay Spain kadib marki rigoore loo dhigay uu gool u baddalay ciyaaryahan Sergei Ignashevich oo weerarka ka ciyaara.

Ruushka inti lagu guda jiray rigoore-tuurashada dhamaan afarti laacib ee u ganay waa ay haleeleen shabaqa. Waxaana garoonka Luzhniki Stadium oo ay xaadir ku ahaayeen 78 kun oo u badnaa taageerayaasha Ruushka uu mar qura isu baddalay dabaaldag, kadib marki ay xaqiijiyeen in Ruushka ay u gudbeen wareega sideeda.

Waa marki ugu horreeyay oo ay wareegani gaarayaan Ruushka tan iyo ciyaarihii aduunka ee sannadki 1966-ki.

Russia kulanka wareega sideeda ee tartanka waxay la dheeli doontaa Croatia oo xalay rigoorayaal 3-2 ah ku garaacday Denmark.


XS
SM
MD
LG