Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo heshiis ka gaaray qaxootiga


Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa maanta heshiis ka gaaray dadka muhaajiriinta ah ee qaaradda imanaya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in heshiiska uu yahay war wanaagsan, islamarkaana wada-shaqeynta Yurub ay guuleysatay.

Heshiiskan ayaa dhigaya in xarumo lagu soo dhoweeyo qaxootiga laga sameeyo dalalka ka tirsan Midowga Yurub ee si mutadawacnimo ah u ogolaada.

Talyaaniga ayaa diiday in wax heshiiskan ka mid ah lagu ansixiyo shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels, waxaana Roma ay dalbatay in wax badan la sameeyo, si looga caawiyo xasaradaha muhaajiriinta.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in dalkiisa uu go’aan ka gaari doono, haddii ay sameynayaan xarumo qaxootiga lagu soo dhoweeyo.

XS
SM
MD
LG