Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: 200 qof oo ku dhintay dagaal dhuleed


Barasaabka gobolka ku yaalla bartamaha dalka Nigeria ee Plateau ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah ee dadkii dabyaqaada toddobaadkii tagey ku dhintay iskudhacyo dhex maray xoolaley muslimiin ah iyo beeraley kirishtan ah.

Isaga oo weriyayaasha la hadlayey kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Muhammadu Buhari, ayaa barasaab Simon Lalong waxa uu sheegay in dagaalka uu galaaftay 200 oo qof. Mas’uuliyiinta ayaa horey dhimashada ugu sheegay 86 qof.

Dagaalka muddada socda ee ku saleysan kheyraadka dhulka ee u dhaxeeya xoolaleyda iyo beeraleyda Nigeria ayaa noqon kara mid ka dhimasho badan muqaawamada kooxda Boko Xaram, oo ay ku dhinteen 20,000 oo qof, wax ka yar 10 sano.

Isku dhacyada ayaa sidoo kale cadaadis xooggan saari doona madaxweyne Buhari oo olole dib u doorasho geli doona sanadka tagey. Buhari ayaa xukunka ku yimid sanadii 2015 ballanqaad ah inuu xasilooni kusoo dabbaali doono dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Dalka Nigeria ayaa inta badan u kala qeybsan waqooyiga oo ay ku nool yihiin muslimiinta iyo koonfurta oo ay degaan kirishtanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG