Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare oo taageertay amarkii socdaalka ee Trump


Maxkamadd sare ee Mareykanka ayaa maanta si dirqi ah ku taageertay amarkii madaxweyne Trump uu dalka kaga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda shan dal oo muslim ah.

Go’aanka maxkamadda oo ahaa 5-4, ayay ku xukuntay in madaxweynaha uu sharciga socdaalka Mareykanka awood u siinayo inuu xadido safarka dadka ajnabiga ah, sababo la xiriira xagga amniga, sida maamulka Trump uu ku dooday.

Madaxweynaha “waxa uu si sharci ku jiro u adeegsaday ikhtiyaarka uu siinayo sharciga socdaalka, si dadka ajnabiga ah uu uga hakiyo inay soo galaan dalka Mareykanka” waxaa sidaas qoray xaakimka sare ee maxkamadda John Roberts.

Roberts ayaa sidoo kale yiri “madaxweynaha waxa uu si aan shaki ku jirin u buuxiyey wixii looga baahnaa ee sharciga ah ee uu ku bartilmaameedsanayo dadka aan dalka u dhalan, ee halista ku noqon kara danaha Mareykanka”

Dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka ayaa kala ah Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen, oo muslim wada ah iyo dalka Korea-da Waqooyi.


XS
SM
MD
LG