Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel 'oo duqeysay magaalada Dimishiq'


F-16 jet crashes Nevada
F-16 jet crashes Nevada

Warbaahinta dowladda Syria ayaa maanta sheegtay in laba gantaal oo Israel ay soo tuurtay ay ku dhaceen bartilmaameedyo ku yaalla meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq.

Wakaaladda wararka SANA oo warkan baahisay ma aysan shaacin wax khasaare nafeed ama burbur ah oo ka dhashay weerarka, oo ay sheegtay in Israel ay kaga jawaabeysay guuldarro kasoo gaartay dagaal ay mucaaradka Syria kula gashay xuduudda koonfureed ee Syria.

Kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Syria ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in gantaallada ay ku dhaceen baqaaro hub ah oo ay leeyihiin maleeshiyada dowladda Syria taageera.

Israel ayaa duqeymo dhowr ah ka fulisay dalka Syria intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas, ayada oo beegsaneysa inta badan inay joojiso in kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto ay hub soo geliso Syria.

Milatariga Israel ayaan inta badan ka hadlin duqeymaha ay ka fuliyaan Syria.





XS
SM
MD
LG