Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil loo xir xirey qarixii Itoobiya


Dowlada Ethiopia ayaa xirxirtey ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa. Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shaley lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah.

Dhinaca kale Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa xaaladihii ugu dambeeyey ka waraysatey Cabdi Nuur Cabdullaahi Faarax oo loo yaqaano (Cabdi Nuur Yare) oo kusugan Jig-jiga kana mid ah siyaasiinta dalkaasi Ethiopia.

Warki ugu dambeyay ee qaraxa Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG