Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pentagon oo ka Hadashay Xakameynta Muhaajiriinta


Ciidanka Navy-ga Maraykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in xarumaha ciidanka Maraykanka uu ka dhiso goobo waaweyn oo dadka muhaajiriinta sharci-darrada ah lagu hayo, muhaajiriintaas oo ah kuwa ka soo gudbaya xuduudda koonfureed ee Maraykanka.

Ciidanka ayaa sheegay inay arrintan ku dhaqaaqayaan haddii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maraykanku talaabadaas ka codsado, sida uu VOAda u sheegay sarkaal dawladda Maraykanka ka tirsani.


Sarkaalka ayaa qiray in ciidanka Navy-gu uu diyaariyey qabyo-qoraalka warqad loo dariyo Xogyaha Ciidanka Navy-ga Richard Spencer, warqadaas oo lagu tilmaamay xarumaha ciidanka ee ku yaalla goobaha fogfog ee gobolada Calofornia, Arizona, iyo Alabama, kuwaas oo noqon kara goobo laga dhiso teendhooyin badan oo lagu hayo dadka qaargaarka ah.

Goobahan ayaa lagu hayna karaa dad 70 kun oo qof kor u dhaafaya.

XS
SM
MD
LG