Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo xiray 14 tuhmane oo Daacish ah


Wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay xireen 14 qof oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin kooxda Daacish, kuwaasi oo diyaarinayey weeraro ka dhan ah doorashooyinka dalkaas ka dhacaya axadda.

Wakaaladda ayaa sheegtay in 14-kan qof oo ajaaniib ah la xiray subaxnimadii Jimcaha, kadib howlgallo ma qura laga wada fuliyey guryo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Illaa iyo hadda ma cadda nooca qalab ee lagu soo qabtay howlgallada.

Dadka Turkiga ayaa axadda codkooda ka dhiiban doona doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee dalkaas, taasi oo dalka u baddali doonta habka dowladeed ee madaxweynenimada.

Kooxda Daacish ayaa dhowr weerar ka fulisay dalka Turkiga sanadihii dhowaa, oo uu ka mid ahaa xasuuqii 2017 lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istanbul, halkaasi oo 39 qof lagu dilay.

XS
SM
MD
LG