Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ka laabtay amar dood badan dhaliyey


Madaxweynaha Maraykanka ayaa Arbacadii shalay soo saaray wareegto uu ku joojinayo isla sharci uu isagu horay keenay, kaas oo sheegaya in wax dulqaad ah aan loo haynin dadka Maraykanka sharci-darrada ku soo galaya, taas oo haddii ay dadku xadka Maraykanka si sharci darro ah ku yimaaddaan, iyagana la celinayo, caruurtoodana la reebi doono si loo xanaaneeyo.

Go’aankan madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii uu cadaadis kala kulmay xidhibaano xisbigiisa ka tirsan iyo waliba xaaska madaxweynaha Malenia Trump.

Haddaba Faafhaanta wareegtadan ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Garyaqaan Intisaar Cali Fidhin oo ka hawlgasha magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Dhageyso Wareegtada Trump
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00

XS
SM
MD
LG