Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxootigii ugu badnaa oo barakacay 2017


Hay’adda qaxootiga QM ayaa sheegtay in dadkii ugu badnaa abid oo gaaraya 68.5 milyan oo qof lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan sanadii tagtay, sababo la xiriir dagaallo, rabshado iyo dhibaateyn.

Filippo Grandi, oo ka tirsan hay’adda UNHCR ayaa maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Geneva in tirada qaxootiga dunida ee sanaddii 2017 ay saddex milyan ka badan tahay tii sanadii 2016.

Waxa uu sheegay in in ka badan 16 milyan oo qaxooti cusub ah la barakiciyey sanadii tagtay, sababo la xiriira dagaalo weli socda iyo xal weli loo la’yahay dagaalada oo cadaadis ku haya dadka rayidka ah.

Grandi ayaa sheegay in saddex meelood laba meel dhammaan qaxootiga ay ka barakaceen dalal kooban oo ay ku jiraan Afghanistan, Syria, Koonfur Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Waxa uu sheegay inay ogaadeen in 85% dhammaan qaxootiga dunida ay ka yimaadeen dalal sabool ama dhaqaale-dhexaad ah, taasi oo meesha ka saareysa sheekada ah in tani ay tahay “xasarad haysata dalalka hodanka ah”

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG