Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rajo laga muujiyey mustaqbalka gacanka Korea


Qaar ka mid ah hogaamiyaasha Qaarada Asia iyo kuwo kale oo caalamka ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka gobolka, kadib kulankii taariikhiga ahaa ee Talaadada maanta dalka Singapore ku dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, oo loo tiriyo ninka wadada u xaaray kulanka Trump iyo Kim, ayaa sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay hubkadhigista niyukleerka Pyongyang iyo nabad ka islaaxda gacanka Kuuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa wariyaasha u sheegay in Shiinuhu rajeeynayo in wadahadalada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay ugu danbeynti si rasmi ah usoo gaba gabeyn doonaan dagaalka Kuuriya.

Ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe, oo isna ka mid ah hogaamiyaasha gobolka ee ka falceliyay kulanki Trump iyo Kim, ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku naalloon doonto mustaqbal ifaya haddii ay ku toosto tubta wanaagsan.

Wasiir-kuxigeenka arrimaha dibedda dalka Ruushka Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Moscow ay diyaar u tahay in labada dhinac ka caawiso hirgelinta heshiiskaan.

XS
SM
MD
LG