Isku xirrada

War Deg-Deg ah

12 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Kabul


Askari ka tirsan booliska Afghanstan oo waardiyeynaya koobka uu qarraxu ka dhacay ee magaalada Kabul. June 11, 2018.
Askari ka tirsan booliska Afghanstan oo waardiyeynaya koobka uu qarraxu ka dhacay ee magaalada Kabul. June 11, 2018.

Ugu yaraan 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib marki qof naftiis dile ah uu isku qarxiyay maanta magaalada Kabul ee caasimadda Afghanstan.

Qaraxaani oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 30 ruux, ayaa imanaya maalin kahor inta aysan ciidanka dowlada dhaqan-gelinin joojinta howlgallada ka dhanka ah Taliban guud ahaan waddanka oo dhan.

Saraakiisha dowlada Afghanstan ayaa sheegay in qarraxa uu ka dhacay albaabka laga galo wasaaradda horumarinta reer miyiga ee ku taalla eeriyada sida weyn loo ilaaliyo ee Darulaman ee caasimada Kabul.

Dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa waxaa ku jira shaqaalaha wasaaraddani. Ma jirto ilaa iyo imminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG