Isku xirrada

War Deg-Deg ah

46 Ruux oo Itoobiyaan ah oo Ku Dhintay Doon la Degtay


Afartan iyo lix ruux oo Itoobiyaan ah ayaa ku qaraqmay badda Gacanka Cadmeed horraantii Arbacada xilli ay ku safrayeen doon u socotay dalka Yemen, sida ay sheegtay hay'adda Q.M. u qaabilsan muhaajiriinta ee (IOM).

Toban iyo lix ruux oo kale, ayaa la sheegaya in wali la la' yahay. Doonidan ayaa dadka ay wadday waxay gaareyayeen illaa iyo 100 ruux oo Itoobiyaan ah.

Doonta, ayaa sida ay IOM sheegtay, ka baxday dekadda Boosaaso ee Soomaaliya Talaadadii, taas oo ay la socdeen 83 rag ah iyo 17 dumar ah.

Agaasimaha gurmadka iyo howl-gallada ee IOM, Maxamed Cabdikheyr, ayaa sheegey in shilkaasi ka dhacay Gacanta Cadan uu ahaa mid laga naxo.

" In ka badan 7 kun oo muhaajriin taag darran ayaa bil kaste mara safarkan halista ah; in ka badan boqol kun ayaa sidoo kale safarkaasi galay sanadkii la soo dhaafay," ayuu Cabdikheyr ku yiri war uu soo saaray.

Maxamed Colaad Xasan ayaa sii faahfaahinaya warbixintan.

Itoobiyaan doon la degtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:54 0:00

XS
SM
MD
LG