Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo Qaadeysa Xaaladda Deg Degga ah


Prime Minister Abiy Ahmed
Prime Minister Abiy Ahmed

Golaha Wasiirrada Ethiopia ayaa maanta ansixiyay sharci ogolaanaya in la qaado xaaladda dag daga ah ee dalkaasi saarneyd tan iyo bishii Febraayo ee sannadkaan.

Bandowgani ayaa ka danbeeyay kadib bilooyin ay dalkaasi ka dhacayeen rabshado ruxay gobollo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo looga soo horjeeday dowlada.

Madaxa xafiiska Ra’isulwasaaraha, Fitsuma Arega ayaa maanta sheegay in Golaha Wasiirada ay dib u eegeen xaaladda amni ee Itoobiya, kadibna ay isku raaceen in dib loo soo celiyay amnigi iyo kala danbeynti.

Qaraarkan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka Itoobiya si uu u qiimeeyo. Lama oga waqtiga rasmiga ah ee ay ka doodi doonaan.

Tallaabadani ee ay dowladda ku qaadeyso xaalada deg dega ah ee saarneyd dhamaan Itoobiya ayaa noqoneysa isbadalki ugu weynaa ee uu Ra’isulwasaaraha cusub ee dalkaasi la yimaado. Abiy Ahmed ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu Ethiopia ka sameeyo isbadallo siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG