Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu oo ammaanay dadka Iran


Benjamin Netanyahu s

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo dadka Iran, isaga oo isku dayaya inuu soo nooleeyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee dadka Iran, balse sidoo kale dhalleeceynaya hoggaamiyayaasha dalkaas.

Muuqaalkan ka kooban 80-ka ilbiriqsi ee lasoo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel, ayuu Netanyahu ku sheegay in dadka Iran ay ka mid yihiin “Kuwa ugu hibada iyo guusha badan” dunida.

Waxa uu shaaca ka qaaday shirkado waa weyn oo Mareykan ah oo ay aas-aaseen islamarkaana hoggaamiyaan dad kasoo jeeda Iran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Uber, eBay iyo Dropbox, wuxuuna kadib is-weydiiyey “Maxay Iran u tahay sabool, ayada oo dadkeeda ay sidan u aqoon badan yihiin”

“Jawaabti waa laba eray: Waa taliska” ayuu yiri Netanyahu.

“Kali-taliyayaasha Iran waxay xadeen hantidii waddanka, waxyna ballaayiin dollar u weeciyeen barnaamijkooda nuclear-ka, si ay argagax ugu baahiyaan dunida iyo daan-daansigooda bariga dhexe” ayuu yiri.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG