Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiriirka Mareykanka iyo Pakistan oo sii xumaanaya


Khurram Dastgir Khan
Khurram Dastgir Khan

Pakistan ayaa sheegtay inay dib u qiimeyneyso xiriirka xun ee kala dhaxeeya Mareykanka, tallaabadaas oo ah mid hoggaamin karta inay jarto waddooyinkaa ciidamada Mareykanka ay agabka u marsiistaan dalka Afghanistan ee dalkeeda ka baxa.

Wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, Khurram Dastgir Khan ayaa hadalkan jeediyey maalin ka hor, ayada oo la filayo in urur caalami ah ay ku daraan Pakistan liiska dalalka isha lagu hayo ee maal-geliya argagixisada, kadib markii sidaas uu ku booriyey maamulka madaxweyne Trump.

Ururkan fahdigiisu yahay Paris ee FATF ayaa bishii Febraayo go’aansaday inuu Pakistan ku daro liiska dalalka aan sidii loo baahnaa wax uga qaban maal-gelinta argagixisada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee madaxweyne Trump ee ku aadan Koonfur Asia, kaasi oo uu ku dhawaaqay bishii August, si Pakistan loogu cadaadiyo inay xiriirka u jarto kooxda Taliban iyo kooxaha kale ee dagaalka kula jira ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Islamabad way beenisay inay taageerto wax argagixiso ah, waxaana ay cadaadiska Mareykanka ku qeexday isku day Pakistan loogu eedeynayo guul-darrada caalamiga ah ee dhameynta dagaalka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG