Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kashmir: Pakistan iyo India oo heshiis gaaray


India iyo Pakistan ayaa maanta isku raacay in la dhaqan-geliyo heshiiskii xabad joojinta 2003 ee laga gaaray gobolka Kashmir, taasi oo soo geba gebeeneysa bilo isku dhacyo ah oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen.

Milatariga Pakistan ayaa maanta ku dhawaaqay in labada dhinac ay isku raaceen in lasoo geba-gebeeyo cadaawadda kadib wada-hadallo gaar ah.

Labada dhinaca ayaa rasaas iyo gantaallo isku weydaarsanayey qadka kala qeybiya Kashmir, oo labada dhinac ay kala maamulaan, taasi oo kumanaan qof oo deganaa dhinaca India ka barakicisay guryahooda.

Xukuumadda New Delhi ayaa Islamabad ku eedeysay inay taageerto muqaawamo u dagaalamaysa in Kashmir ay xurowdo ama ay ku biirto Pakistan, eedeyntaas oo Islamabad ay beenisay.

India iyo Pakistan ayaa labaduba sheegta in Kashmir ay ka tirsan tahay, waxaana dhex maray laba dagaal oo waa weyn tan iyo markii India loo kala qeybiyey India iyo Pakistan, kadib xoriyaddii 1947-kii.

XS
SM
MD
LG