Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Garaacday Xeebaha Florida


CUBA - Subtropical Storm Alberto
CUBA - Subtropical Storm Alberto

Duufaanta loogu magac daray Alberto, oo ah tii ugu horreysay ee sannadkaan 2018 ka dhacdo Mareykanka, ayaa Isniinti shalay garaacday xeebta Laguna ee gobolka Florida.

Alberto ayaa laga cabsi qabaa in biyo cabirkoodu lagu qiyaasay 30 sentimitir ku hooriso qeybaha waqooyi-galbeed ee Florida. Khubarrada saadaasha hawada ayaa sheegay in xawaaraha dabeysani uu yahay 75km saacadiiba.

Duufaantan oo inta badan la saadaalinayo in xoogeedu u badnaan doonto xeebaha ayaa saameynteeda la dareemi doonaa sida ay khubaradu qiyaasayaan inta u dhaxeysa 1-da June ilaa dhamaadka November.

Ilaa iyo 16 duufaano ayay kooxaha ka shaqeeya saadaasha hawada sheegayaan in ay garaaci doonaan sanadkaan gobollo ka mid ah Mareykanka.

Sannadki hore duufaano badan ayaa ka dhacay Mareykanka oo ay ka mid ahaayeen Harvey, Irma iyo Maria, kuwaas oo waxyeello ba’an gaarsiiyay Puerto Rico, Houston, Texas, xeebaha Florida.

XS
SM
MD
LG