Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya: Tahriibayaal Baxsaday


Ku dhawaad boqol muhaajiriin ah ayaa ka baxsaday xabsi ay leeyihiin kooxaha wax tahriibiya ee daka ka ganacsada ee dalka Libiya. Xaruntan ayaa ku taala magaalada Bani Waliid, waxaana arrintan ka dhashay in kooxaha wax tahriibiyaa ay rasaas ku fureen dadkii baxday iyaga oo dhowr qof dilay qaar kalena dhaawacay. Hay’adda MSF ayaa sheegtay in dhakhaatiirtoodu ay daweeyeen 25 qof oo dhaawac ah.

Dadka soo badbaaday ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen.. Dadkan soo baxsaday ayaa isugu jira Soomaali iyo Ethiopian iyo Eretrian.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy oo haatan ku sugan magaalada Muqdishu ayaa arrintan iyo halka ay marayso soo daadguraynta muhaajiriinta Soomaalida uga warramay Jacfar Kuukaay.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:28 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG