Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay maqaayad ku taalla Canada


Maqaayadda qaraxa lala eegtay

Booliiska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex qof ay si darran ugu dhaawacmeen qaraxa oo habeenkii khamiista ka dhacay maqaayaddaBombay Bhel ee magaalada Mississauga,ee gobolka Ontario.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 12 qof oo kale uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa.

Dadka lagu tuhmayo qaraxan ayaan la qabin. Sidoo kale ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Booliiska ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka gaystaan soo qabashada tuhmanayaasha, waxayna sii daayeen muuqaallada raggan oo galaya maqaayadda, hase yeeshee wejiyada soo dabooshay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG