Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Taliban oo dagaal ku dishay askar badan


Tobaneeyo ka tirsan ciidamada ammaanka Afghanistan ayaa lagu dilay dagaal maalmo socday oo ay dagaalyahanada Taliban kula galeen gobolka Ghazni ee bariga dalkaas.

Sarkala ka tirsan dowladda hoose gobolka Ghazni ayaa sheegay in dagaalyahanada Taliban ay gacanta ku dhigeen labada degmo ee kala ah Jaghatū iyo Dehak, kadib dagaal xooggan oo xalay dhacay.

Latif Akbar oo xubin ka ah golaha gobolka ayaa sheegay in 20 ka tirsan ciidamada booliska oo uu ku jiro madaxii booliska degmada iyo taliyihii degmada Dehak lagu dilay dagaalka. Dowladda Afghanistan ayaa xaqiijisay dhimashada kaliya 12 askari.

Dagaalyahanada Taliban ayaa sidoo kale 20 askari oo kale ku dilay dagaal ka dhacay degmo saddexaad oo lagu magacaabo Ajristan, halkaasi oo sidoo kale ay axaddii hareereeyeen dhismihii uu deganaa barasaabka.

Si kastaba, waxaa markii dambe dib u riixay ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo gurmad siiyey ciidamada ammaanka.

Arif Noor oo ah afhayeenka dowladda gobolka Ghazni, ayaa diiday in wax degmo ah laga qabsaday, wuxuuna sheegay in dagaalka uu weli socdo.

XS
SM
MD
LG