Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DRC: Cudurka Ebola oo Dad Hor leh Dilay


Wasaaradda caafimaadka Congo ayaa sheegtay in qof cusub uu maanta u geeriyooday xanuunka Ebola. Tirada guud ee dadka u dhintay cudurkaasi oo ku faafay gobolka Equateur ee galbeedka dalkaasi waxa ay gaareysaa 26 ruux.

Waxaa la xaqiijiyay in 4 qof oo cusub oo ku dhaqan dalka Congada Dimuqraadiga ah uu xanuunkaasi haleelay, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Ilaa 46 ruux ayay soo ridatay qandhada la yiraahdo hemorrhagic, waxaana la xaqiijiyay in 21 kamid ahi ay qabaan Ebola, 21 kalena loo badinayo, halka 4-ta soo hartayna looga shakisan yahay.

Madaxweynaha dalkaasi Joseph Kabila iyo golihiisa wasiirrada ayaa sabtidii go'aamiyay in la kordhiyo lacagta loo qorsheeyay in dag dag wax looga qabto cudurkaasi oo gaareysa ilaa 4 milyan oo doollar.

Waa markii 9aad oo uu cudurka Ebola ka dillaaco dalkaasi Congo muddo 40 sano ah, hase yeeshee kuwii hore waxa ay ku koobnaayeen dhulka miyiga ah. Laba jeer ayuu ku dhiftay caasimadda dalkaasi ee Kinshasa oo dadka ku nooli ay 10 milyan gaarayaan, hase yeeshee si dag dag ah ayuu ku joogsaday

XS
SM
MD
LG