Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo laga Daad-gureynayo Agagaarka Dimishiq


ISIS
ISIS

Hay’ad la socota arrimaha dalka Syria ayaa sheegeysa in falaagada kooxda Daacish laga soo daadgureeynayo goobtii u dambeysay ee uu dagaalku ka dhacay ee magaalada Dimishiq, talaalbadan oo noqon doonta mid degaankaasi ku soo celisa xukunka dawladda.

Hay'addan la socota arrimaha dalka Syria oo fadhigeedu dalka Britain ayaa sheegtay in daadguraynta falaagada iyo qoysaskooda ee ka imaanaya xerada qaxootiga ee Yarmuk ee Falastiiniyiinta oo Syria ku dhextaalla ay bilaabtay Axaddan maanta ah.

Basas ayaa waxa ay falaagada iyo qoysaskooda u qaadayeen degaanka lama degaanka ah ku yaala bariga caasimadda dalka Suuriya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tabisay in gobtaasi ay ahayd halkii u dambeeysay ee ay gacanka ku hayeen kooxda Daacish, taas oo ku taala galbeedka dalka Suuriya.

XS
SM
MD
LG