Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho ka Socota Venezuela


Dadweynaha dalka Venezuela ayaa u jiheysaya sanaadiiqda cod-bixinta iyagoo dooranaya Madaxweynaha soo aaddan. Nicolas Maduro oo hadda xilkaasi haya ayaa xusul-duub ugu jira inuu mar kale ku guuleysto xilkan oo uu talada sii hayo lixda sano ee soo socota. Mucaaradka ayaa qaaddacay doorashadan iyagoo u arka mid ninkan oo kali-talisnimo ay ku eedeynayaan uu isku caleemo saarayo.

Waxaa la saadaalinayaa in Maduro oo 55 jir ah horeyna bas-wade u ahaa uu doorashada kusoo baxo, in kastoo dalkaasi ay ka jirto dhibaato xooggan oo la xiriirta cunto yari iyo sicir-barar ballaaran oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid soo saarsitii dhinaca shidaalka. Venazuella waxa uu ka mid yahay dalalka ugu soo saarka badan dhanka shidaalka.

Guddoomiye goboleed hore ayaa maduuro kursiga kula loolamaya, hase yeeshee fursaddiisu waxey sii yaraatay kadib markii murashax kale oo Maduro kasoo horjeeda oo lagu magacaabo Javier Bertucci uu tartanka dhinac kasoo galay.

Haddii uu guuleysto Maduro waxaa sii kordheysa cuna-qabateynta saaran dalkaasi, taasoo ay ku jirto xanibaadda dhinaca dhoofinta shidaalka ah oo uu Mareykanku kusoo rogay, iyadoo sidoo kalena midowga Yurub iyo dalal Latin America ahi ay dhankooda xayiraad saareen.

Maduro oo isku magacaaba wiilkii Hugo Chaves oo dalkaasi horey u soo xukumay ayaa sheegay inuu dagaal ba’an kula jiro shir-qool uu Mareykanku soo maleegay oo dalkiisa ka dhan ah, kaasoo looga golleeyahay in lagu tir-tiro shuuciyadda lagulana wareego kheyraadka waddanka ee dhinaca shidaalka ah.

XS
SM
MD
LG