Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo ku dhintay toogasho ka dhacday Texas


Ugu yaraan sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib marki uu qof hubeysani rasaas ku furay Jimcihi maanta dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in xaaladda Texeas aysan u muuqan mid wanaagsan.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay dugsiga sare ee Santa Fe ee magaalada Santa Fe oo ah magaalo qiyaastii 50-km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Houston.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in dadka dhintay ay u badan yihiin arday wax ka baraneysay iskuulka ay toogashada ka dhacday.

Taliyaha ciidamada deegaanka Harris, Ed Gonzalez ayaa sheegay in hal ruux ay u xireen dhacdadani.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo laga hayo qofka toogashada sameeyay.

XS
SM
MD
LG