Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Ma Dhiman heshiiska nukliyeerka Iran


France Syria
France Syria

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska, Jean-Yves Le Drian ayaa maanta sheegay in heshiiska Nuclear-ka Iran oo ay dalkaas la galeen lixda waddan uusan weli dhiman, inkasta oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shalay ka baxay heshiiska.

Isaga oo ka hadlayey Radio-ga RTL, ayaa Le Drian waxa sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo kan Iran Hassan Rouhani la filayo inay maanta taleefonka ku wada halaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wasiirada arrimaha dibedda France, Britain iyo Germany ay sidoo kale arrintan kala hadli doonaan saraakiisha Iran, maalinta Isniinta.

Go’aanka Trump ayaa carro ka dhaliyey Iran, halkaasi oo maanta xarunta baarlamanka ay sharci dejiyayaasha ku gubeen waraaqo uu ku sawiran yahay calanka Mareykanka.

Afhayeenka baarlamanka Iran, Ali Larijani ayaa sheegay in waaxda nuclear-ka Iran ay isku diyaariso inay dib u billowdo dhaqdhaqaaqyada Nuclear.

Trump ayaa shalay si rasmi ah uga baxay heshiiska Nuclear-ka Iran, isaga oo ku sheegay “mid xun oo hal dhinac ah, oo ay ahayd inuusan marnaba dhicin”

XS
SM
MD
LG