Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka baxay heshiiska nukliyeerka Iran


Madaxweyne Trump oo saxiixaya ka bixista heshiiska niyukleerka Iran. May 8, 2018.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Salaasadi shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mareykanka uu ka saaray heshiiski caalamiga ahaa ee Niyukleerka Iran.

Isaga oo ka dhex-hadlayay qolka diblamaasiyadda ee Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in heshiiskani yahay mid liita oo hal dhinac ahaa, isla markaana ay mudneyd inaanan marnaba la gelin.

Trump, wuxuu carrabka ku dhajiyay in dowladda Mareykanka ay si deg deg ah dib u soo celin doonto dhammaan cunaqabteynti saarneyd Iran ee uu maamulki Obama ka qaaday, kadib marki uu dhacay heshiiska Niyukeleerka sannadki 2015-ki.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo ka jawaabay go’aanka Trump ayaa sheegay in Tehran ay baaqi ku sii ahaan doonto heshiiskan caalamiga ah.

Wuxuu sheegay inuu ku amray wasaaradiisa arrimaha dibadda in heshiiskani ay kala hadasho Midowga Yurub, Shiinaha iyo Ruushka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG