Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaggee ka dhacayaa kulanka Trump iyo Kim?


Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi, Donald Trump iyo Kim Jong Un ay u badan tahay inuu bisha dambe ka dhaco dalka Singapore.

Wargeyska Chosun Ilbo iyo wakaaladda wararka Yonhap oo soo xiganaya ilo-wareedyo aysan magacaabin ayaa sheegay in Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ay isku raaceen in kulanka algu qabto dalka iyo magaalada Singapore, toddobaadka saddexaaad ee bisha June.

Trump ayaa jimcihii u sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay “Isku raaceen waqtiga iyo goobta” kulanka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pyongyang ayaa Washington uga digtay in rabitaanka nabadeed ee Korea-da Waqooyi aysan u arkin astaan muujineysa tabardarri.

“Mareykanka ayaa si ula kac u daan daansanaya Korea-a Waqooyi, xilli xaaladda jasiirad u yaalka Korea ay u dhaqaaqeyso dhanka nabadda” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi.

XS
SM
MD
LG