Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho ka Socota Lubnaan


Dadweynaha dalka Lubnan ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta doorasho markii u horreysay muddo 9 sano ah maanta ka dhacaysay.

Doorashadan ayaa lagu soo dooranaya xubnaha baarlamaanka oo iyagu dowladda soo dhisi doona, umana muuqato doorasho isbeddel weyn ku keeni doonta dhinaca awood qeybsiga ee xilalka ugu sareeya ee dalka oo loo qeybsado Muslimiin iyo masiixiyiin.


Falanqeeyayaasha ayaa si dhow u eegaya kuraasta ay helaan xubnaha xibiga Future movement ee Ra’iisal Wasaare, Sacad al Xariiri iyo xisbiga Xisbulah ee Iran ay taageerto.


Doorashadii u danbeysay ayaa la qabtay 2009-kii, laakiin baarlamaanka ayaa dhowr jeer kordhistay muddo xilleedkiisa.


Dad fara badan ayaa codadkooda ka dhiibtay goobaha codbixinta. Sharci dhinaca doorashada ah ayaa dhigaya inay sharci-darro tahay in la sii saadaaliyo natiijooyinka ilaa si rasmi ah loogu dhawaaqo.

XS
SM
MD
LG