Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo sheegatay qaraxyadii Kabul


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas,uuliyadda laba qarax, oo Isniintii shalay lagu dilay ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jireen sagaal saxafi, gudaha magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Ugu yaraan 50 ruux oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay weerarkaasi ku dhaawacmeen. Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa eel ala eegto wariyaasha ka howlgalka dalka Afganstan.

Ururka ay ku mideysanyihiin saxafiyiinta Afghanistan ee AJSC ayaa si adag u cambaareeyay weerarka.

Wariyaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ah ahaa laba dumar ah, oo ay ku jirto Maharram Durrani oo u shaqeeneysay Radio Free Europe/Radio Liberty.

Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa xaqiijisay in sawirqaadahoodii Kabul Shah Marai uu ku dhintay qaraxyadii shalay. Abadullah Hananzai iyo Abawoon Kakar ayaa ka mid ahaa wariyaasha geeriyooday.

Qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhaw xarunta Hey’ada Mukhaabaraadka Qaranka Afghanistan.

Isbaheysiga NATO ayaa cambaareeyay weerarka. Kooxda Taliban ayaa hadal ay soo saartay isaga fogeysay weerarkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG