Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Bush oo Ka Soo Reyneysa


Madaxweynihii hore ee Mareykanka George H. W. Bush ayaa la sheegey in ay xaaladdiisa ka soo reynayso, kadib markii isbitaal loo dhigay infegshenka dhiigga ku dhaca oo noloshiisa halisgeliyay, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war ay soo saareen.

Bush-ka weyn ee 93 sano jir ah, ayaa la geeyay isbitaalka Houston Methodist Hospital, subixi Aadda, waxana tan iyo xilligaasi uu ku jiray qeybta gar-gaarka deg degga ah.

Ka hor inta aan isbitaalka la dhigin, Bush ayaa Sabtidii ka qeyb galay tacsiyadii loo sameyay xaaskiisa Barbara, oo isbuucii hore ku dhimatay da’da 92 sano. Labada lamaane ayaa is qabay 73 sano.

XS
SM
MD
LG