Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadkii Korea-da Waqooyi


South Korea Trump North Korea
South Korea Trump North Korea

Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.

Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders ayaa Isniintii sheegtay in Mareykanka uu sii wadi doono caddiidiska uu saarayo Kuuriyada Waqooyi sidoo kalana aysan marnaba ka qaadi doonin cunaqabateynta, illaa inta ay ka arkayaan talaabooyin sax ah oo uu maamulka Kim Jon-un ku u qaado burburinta gabi ahaanba barnaamijkiisa niyukleerka .

Kim ayaa dhawaan iclaamiyay inuu joojinayo tijaabooyinka hubka niyukleerka iyo gantaallada riddada dheer ee isaga kala gooshi kara qaaradaha.

Madaxweynaha Trump ayaa go,aankaasi aad u ammaanay.

XS
SM
MD
LG