Ugu yaraan 11 muhaajir ayaa dhintay 263 kalena wa la soo bad baadiyay Axaddii, kadib laba howl gal ay ciidamada badda dalka Libya ay ka sameeyeen xeebaha dalkaas Libya, sida ay shaaciyeen ciidamada badda ee Libya.
Howlgalka koowaad, waxay ciidamadu awood u yeesheen inay soo bad baadiyaan 83 muhaajir oo sharci darro ahaa, waxa ayna sidoo kale ka heleen meydadka 11 ruux meel shan nutikal mile dhanka waqooyi bari kaga began Sabratha, sida uu AFP u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalkaasi General Ayoub Kasem
Sabratha waxay 70 KM dhanka galbeedka ka xigtaa caasimadda Tripoli.
11 ka dhintay ayaa badda ku qaraqmay kadib markii doonidii ay la socdeen ay rogmatay, balse waxa la soo bad badaiyay dadkii kale, kuwas oo dib loogu celiyay doonida, sida uu sheegey Mohamad Erhouma, oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha magaalada Zawiyah.
Howlgalka labaad ee bad baadinta ayaa ka dhacay xeebaha Zliten, halkaas oo 180 ruux laga soo kala bad badiyay laba doon oo ay la socdeen, sida uu sheegay General Kasem.
Zliten waxay 170 KM dhanka bari ka xigtaa caasimadda Tirpoli
Waxa uu sheegey Jeneraal Kasem in muhaajirinta oo ka soo kala jeeda dalal kala gadisan oo Afrika ah ay la socdeen doonyo liita, waxase ka hor tagay ciidamada badda kuwaas oo dib ugu soo celiyay dekadda Tripoli.
Tan iyo sanadkii 2011, kadib dhicistii dowladda Moamaral Qaddafi iyo dilkiisa kadib, waxa uu dalka Libya faraha ka baxay dadka muhaajirinta ah ee ku safraya xeebaha Libya, si ay dalalka Yurub u gaaraan.