Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lavrov: Putin waa u Diyaar in uu Washington Booqdo


Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayuu Lavrov ku sheegay in Putin uu diyaar u yahay kulankaasi.

Lavrov wuxuu sheegay in dhowr jeer oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen labada madaxweyne, uu Trump soo celceliyay mowduuca casuumadda, sidoo kalana sheegay inuu aad ugu farxi lahaa booqasho uu ku tago Ruushka.

Labadan madaxeyne ayaa ku heshiiyay shir ay suurtagal tahay in ay ku yeeshaan Washington. Trump ayaa wacay Putin, 20-ki bishi March ee sanadkaan, markaas oo uu ugu hambalyeeyay doorashadi madaxtinimo eek a dhacday Ruushka ee uu Putin ku guuleystay.

XS
SM
MD
LG