Isku xirrada

War Deg-Deg ah

K.Kuuriya: Wax Shuruud Ah Kuma Xirna Wada Hadalka Trump iyo Kim


Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi aysan wax shuruuda ah ku xirin kulanka la filayo in uu dhexmaro madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kulankaasi oo aanan wali la cayimin waqtiga uu dhici doono ayaa looga hadli doonaa sidii ay dowlada Kuuriyada Waqooyi uga laaba laheyd barnaamijkeeda hubka niyukleerka.

Madaxweyne Moon ayaa shegay in xukuumada Pyongyang aysan keenin shuruudo aanan u cuntameyn dowlada Mareykanka, sida in Mareykanka uu kala baxo milatarigiisa gacanka Kuuriya.

Balse wuxuu sheegay in dalabyada ay soo jeediyeen ay ugu muhiimsantahay sidii uu Mareykanka u soo gaba-gabeyn lahaa siyaasadda colaadda ku dhisan ee ka dhanka ah Kuuriya.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadkaan sheegay in uu ka bixi doono kulanka uu la yeelan doono hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, haddii uu dareemo in shirka aysan kasoo baxeyn qodobo dan u ah Mareykanka.

XS
SM
MD
LG