Xeer-beegti ku sugan magaalada Garden City, gobolka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay dambi ku helay 3 nin oo caddaan oo doonayey inay qarxiyaan guri iyo masjid ay leeyihiin dad Soomaali ah oo gobolkaas deggan.
Dhacdadan oo aan Idaacaddeena dhowr mar ka baahinay ayaa ku beegneyd bishii October ee sanadkii 2016kii.
Maxamed Cabdi Sandhere ayaa haddaba go’aanka xeer-beegtidan ka wareystay Garyaqaan Intisaar Cali Fidhin oo ku sugan magaalada Houston ee gobolka Texas.