Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo La Hadlaya Kim Jongun


People watch a TV screen showing file footage of U.S. President Donald Trump, left, and North Korean leader Kim Jong Un during a news program at the Seoul Railway Station in Seoul, South Korea, April 18, 2018.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Gudaha Mareykanka ee CIA Mike Pompeo uu tagay magaalada Pyongyang halkaas oo la sheegay inuu wadahadallo qarsoodi ah kula yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kulanka oo sida la sheegay dhacay horraantii bishan April ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo diyaarin lahaa wadahadallo toos ah oo dhexmara madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kim Jong-un.

Goor sii horreysay, madaxwene Trump ayaa qiray in dowlada Mareykanka ay wadahadallo la yeelatay saraakiil ay heerkoodu sarreeyeen.

Trump oo Talaadadi shalay Mareykanka kula kulmay Ra’isulwasaaraha JapanShinzo Abe oo booqasho ku jooga halkan, ayaa rajo ka muujiyay wadahadalo toos ah oo dhexmara isaga iyo Kim Jong Un.

Labadani hogaamiye ayaa hadallo xanaf leh isu mariyay qalabka warbaahinta dhawaan, kadib marki Kuuriyada Waqooyi ay dhowr jeer tijaabisay gantaalada riddada dheer ee xambaari kara hubka niyukleerka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG