Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad: Trump Wuxuu ka Jawaabaya Weerarkii Kiimikada


Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo weerar gantaallo ah oo ay milatariga Mareykanka ku qaadaan Suuriya.

Mareykanka ayaa raba inuu u jawaabo dowlada Suuriya oo uu ku eedeeyay in ay ka danbeysay weerar kiimiko ah oo todobaadki hore ka dhacay magaalo ku taalla Suuriya.

Saraakiisha iyo dadka wax odorada ee Washington ayaa sheegaya in tallabaada millatari ee uu Mareykanka ka qaadi rabo Suuriya la la filayo in ay dhacaan maalmaha soo socda.

Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa Arbacadi joogay Aqalka Cad, halka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu ka dhageystay kooxda Amniga Qaranka ee Aqalka Cad awoodihi ugu danbeeyay ee uu Bishaar Al Asad adeegsaday.

Dhanka kalana, Safiirka Ruushka u fadhiya dalka Lubnaan ayaa ka digay weerar uu Mareykanka iyo xulufadiisa ku qaadaan Suuriya. Isaga oo sheegay in Russia ay soo ridi doonto gantaal walba oo lagu gano Suuriya.

XS
SM
MD
LG